|

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan oo Markii Kowaad Ka Hadlay Xaalada Sheekh Mukhtaar Rooboow & Qaabka uu Rabo in Loola Dhaqmo Waa Hadii ….

Baydhaba 05. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horeesay ka hadlay xayiraada dowlada Mareykanka ka qaaday Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shababa Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulkiisu soo dhaweenayo in xayiraada laga qaado Sheekh Muqtaar lagana saaro liiska waxa loogu yeero Argagaxisada, waxa uuna tilmaamay in xayiraada laga qaaday Abuu Mansuur wax weyn ka badali doonto xasiloonida iyo nabad kusoo dabaalida deegaanada Koonfur Galbeed.

 

Waxa uu xusay in maamul ahaan faa’iido badan ugu jirto in Sheekh Muqtaar uu qaato nabada kana soo baxo kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in degmooyinka go’doonsan ee gobolka Bakool ay wax badan iska badali doonaan.

 

Waxa uu ugu baaqay dowlada Soomaaliya in xariir la sameyso soona dhaweyso Sheekh Muqtaar Roobow hadii uu fikirkiisa badalo, waxa uuna geesta kale kula taliyay Abuu Mansuur in uu isbadal sameeyo uuna qaato talaabo u wanagasan dadka iyo dalkiisaba.

 

‘’Waan soo dhaweeneynaa in xayiraada laga qaado Abuu Mansuur, wax dhibaato ah malahan in dowlada la hadlo una tago, dalka waa dalkiisa, meel walba waa u gudbi karaa, meeshaan wuu joogi karaa, wixii dowladda la garato baa la sameynayaa,”ayuu yir Shariif Xasan.

 

Shariif Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay in Al Shabaab ay dhibaato gaarsiin karaan Abuu Mansuur oo xiligan ku sugan deegaan katirsan gobolka Bakool, waxa uuna sheegay in Al Shabaab aysan awoodin in dhibaato gaarsiiyaan shekha, isagoona tilmaamay in Abuu Mansuur dadkiisa uu dhax joogo uuna leeyahay awood uu Al Shabaab isaga difaaco.

 

‘’Sheekha waxa uu joogaa gobolkiisa waxna kama qaadi karaan Al Shabaab , waxaan aaminsanahay in uu isaga filan yahay kooxdaasi ,hadii uuna wax nooga baahdo waan kaalmeyn doonaa ‘’ Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuiur oo horey usoo noqday kuxigeenka Amiirka AL Shabaab iyo Afhayeenka kooxdaasi ayaa dhawaan laga saaray Liiska waxa loogu yeero argagaxisada, waxaana lasoo warinayaa in wadahalo hoose u socdaan maamulka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Roobow.

Comments are closed