Dawladda Jabuuti oo Midowga Afrika Ka Dalbatay in ay Goob-joogeyaal u Diraan Xuduudka ay Isku Hayaan Eriteria
Jabuuti 05. July 2017 (SDN/QJ):- Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegaysa in dawladda Jabuuti ay ururka Midowga Afrika ka dalbatay in ay goob-joogeyaal u diraan xuduudaha muranku ka taagan yahay ee dalkaasi la wadaago dawladda Eriteria.
Wasiirka arrimaha dibadda dawladda Jabuuti oo u warmaayey wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in ay Midowga Afrika ay ka codsadeen in ay buuxiyaan kaalintii ay baneysay dawladda Qatar isla mar ahaantaana loogga baahan yahay in si deg-dag ah ay tallaabo u qaadaan si xal loogga gaadho xiisadda halkaas ka taagan.
Arrintan, ayaa imaneysa ka dib markii dawladda Qatar ay horraantii bishan iskaga baxday xuduudka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eriteria oo ciidamo ay lee dahay ay ku kala dhex-jireen labadaasi dal, waxaana intii dawladda Qatar ay meesha ka maqneyd soo baxaayey xiisado colaadeed oo durba ka aloosmay xuduudka u dhaxeeya labadaasi.