|

Boqortooyada Sucuudiga oo Shaacisay inay Ka Baaraan Degayso Jawaabaha Laga bixin doono Kadib Diidmada Qatar ee Qodobadii Shuruuda ay uga dhigeen inay Fuliyaan

Riyadh 05. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha Dibada Ee  Dalka Sucuudiga Mr Caadil Jubayl,  Ayaa Ku Dhawaaqay In Si Fiiro Dheer Leh Looga Baaraan Dagayo Jawaabaha Laga Bixin Doono Hadii Ay Xukuumada Qatar Diido In Ay Ku Dhaqanto Qodobadii Hore Loogu Soo Bandhigay Oo Ay Kamid Yihiin In Ay Joojiso Faro Galinta Ay Ku Hayso Dawladaha Jaarka La Ah Iyo Taageerada Ay U Fidiso Argagixisada.

Dawladaha Xidhiidhka Dibloomaasiyadeed U Jaray  Qatar Oo Kala Ah Sucuudiga Masar, Abu Dabay,Iyo  Baxrayn Ayaa Wasiiradooda Arimaha Dibadu Shir  Uga Furmayaa Caasimada Masaarida Ee Qaahira, Iyagoo Ka Tashan Doono Jawaabta Ay Ka Bixin Doonaan Warqada Ay Qatar Usoo Gudbisay Wasiirka Arimaha Dibada Ee Dalka Kuwait Oo Dhex Dhexaadin Ugu Jira Sidii Xal Loo Gaadhi Lahaa.

 

Geesta Kalena Wasiirka Arimaha Dibada Ee Dalka Jarmalka Oo Booqasho Ku Yimo Magaalada Riyaad Ee Dalka Sucuudiga Ayaa Ka Dalbaday Madaxda Dalkaasi In Khilaafka Jira Lagu Dhameeyo Wada Hadal Dibloomaasiyadeed Isagoo Sheegayn In Ay Yihiin Dawlado Dhaqan Iyo Dhalasho Wadaaga.

Comments are closed