|

Wasiirka Duulista Somaliland oo Si Xog-oggaalnimo Darro ah uga Hadlay Heshiis Muran Badan Dhaliyey oo Xukuumaddu Sheegtay in ay La Soo Gadhay Dawladda Imaaraadka

Dubai 04. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md.Farxaan Aadan Heybe ayaa si aan hubsiimo iyo xog-oggaalnimo badani ka muuqan uga hadlay heshiis muran badan dhaliyey oo Xukuumadda Somaliland la gashay dawladda Imaaraadka kaasi oo lagu sheegay in lagu dhisi doono Madaar labaad oo laga sameynaayo magaalada Berbera.

Wasiirka oo hadalkan ku baahiyey boggiisa Facebook-ga, ayaa sida oo kale sheegay in uu ku faraxsan yahay in dalka ay imaneyso diyaaradda Air-Arabiya oo uu sheegay in maanta duulimaadyaddeedu ugu horreeyey ka bilaabeyso magaalada Hargeysa, waxaana uu yidhi:-

 

Waa allah mahadii in aanu saxeexnay heshiiskii lagu Bilaabayay mashruuca dhismaha madaarka cusub ee Berbera kaas oo si casriya loo dhisayo.

 

Dhinaca kalena dadaal dheer ka dib diyaarada Al-Arabia ayaa si rasmiya duulimaadkeedii ugu horeeyay abid ay ku soo cago dhigato SL ku imanaysa berri (Maanta) 04/07/2017 saacadu markay tahay 6:30 Subaxnimo madaarkeena Cigaal ee Caalamiga ah.

 

Waxaan mahad balaadhan halkan uga jeedinayaa masuuliyiinta wasaarada ee kala duwan, Mamulka iyo shaqaalaha madaarada oo halbawle u ah iyo udub dhexaad in lagu soo hirto adeega madaarada ha ahaato daryeelka iyo badqabka (safety), amniga (security) ama adeega guud ahaan hufan ( efficiency of service).

Comments are closed