Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Dawladda Soomaaliya Hor-yaallaan Caqabado Waaweyn
Nairobi 04. July 2017 (SDN/QJ):- Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wali heystaan caqabado waa weyn oo u baahan in laga taageero.
Micheal Keating ayaa sheegay in ay wali taagan yihiin muranka ku saabsan xuduudaha iyo isku dhacyada bulshada ku dhaqan Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dowladaha caalamka laga doonaayo in ay si dhaw ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
Wakiilk ayaa qiray in Soomaaliya ay sanaddadii la soo dhaafay ay gaadhay horumaro la taaban karo, inkastoo wali ay taagan yihiin caqabadii ugu waa weynaa, “Dowladda Soomaaliya wali waxaa hor yaala caqabado u baahan in laga gudbo..” ayuu yidhi.
Keating oo Shalay hadlay wuxuu tilmaamay in kumanaan qof ay wali ku jiraan Barakac ay sababeen Abaaraha iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada waa sida u hadalka u dhigay
Danjire Keating ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay muhiim tahay iskaashiga Shacabka iyo dowladda si looga gudbo caqabadahaasi
Qaramada Midoobay ayaa taageerta Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Dalkaasi jooga Ciidamo ka socda Midowga Afrika (AMISOM) oo ay taageerto Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tiradoodu ka badan tahay 25 Kun, ayaa waxay Dagaal kula jiraan ururka Al-shabaab oo Maamula Gobollo ka mid ah Soomaaliya, hasa-ahaatee Ciidammada Midowga Afrika oo halkaa jooga muddo ka badan 10 Sannadood illaa hadda kuma guulaysan inay Al-shabaab ka xorreeyaan Deegaannada ay Maamusha.