|

Dawlada Iran oo Heshiis Adduun Badani Ku baxayo La Saxeexatay Shirkada Total

Tehran 04. July 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Iiraan ayaa sheegtay inay heshiis ku kacaya  Balaayiin Doolaar ay la saxeexatay shirkada TOTAL ee fadhigeedu yahay Faransiiska.

Wasiirka shidaalka iyo saliida ee dalka Iiraan ayaa heshiiska ku dhawaaqay, waxaanu sheegay inay shirkadu soo saari doonto gaasta ku jirta Badda. Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu balaadhanaa ee ay Iiraan gasho tan iyo intii laga fududeeyey cunaqabatayntii la saaray sannadkii hore.  Sidoo kale bishii Noovambar ayey Iiraan heshiis kale la saxeexatay shirkada TOTAL, kaasi oo ay ku kacaysay lacag dhan 4.8 Bilyan oo doolar.

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP heshiiskan ToTAL ay la gelayso dawlada Iiraan waxa goobjoog ka ahaan doona wasiirka shidaalka iyo saliida ee dawlada Iiraan, madaxa shirkda TOTAL, madaxda shirkada shiinaha laga leeyahay iyo madax ka socota shirkadaha saliida ee Iiraan. Wejiga hore ee mashruucan saliid qodida  oo 20 sannadood socon doona ayaa ku kici doona lacag dhan laba Bilyan oo Doolar oo ka koobnaan doona 30 ceel iyo meelihii lagu keydin lahaa saliida.

 

Dawlada Faransiiska ayaa horraantii sannadkan 2017 heshiis la saxeexatay dawlada Iiraan, balse waxa ay sugaysay bal siduu noqdo xidhiidhka u dhexayn doona Madaxweyne Trump iyo dawlada Iiraan.

Wakhtigii uu ololaha ku jiray madaxweyne Trump wuxuu sheegi jiray inuu cunaqabatayn cusub saari doono dawlada Iiraan maadaama oo ay ku hawlan tahay horumarinta Barnmaamij nukliyeerkada iyo dhaqdhaqaaq ciidan ee ay ka wado gobolka. Dalka Iiraan gudihiisa waxa jira diidmo xoogan oo ay ka imanaysa xubo xoogan oo taageero ka haysta madaxda kacaanka sare ee Iiraan, kuwaasi oo ka soo horjeeda maalgashiga shisheeye.

Comments are closed