“Dastuurka Somaliland-Na Meel Ay Kaga Taalo Laba Madaxweyne Iyo Laba Khaatumo Laba Maamul Iyo Laba Dowladood Iyo Laba Gole Anigu Maan Arag” Xildhibaan Saleebaan Cali Koore DAAWO
Hargaysa 03. July 2017 (SDN/QJ):- Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xildhibbaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa weerar afka ah ku qaadey siyaasi Cali Khaliif Galeydh oo uu sheegay in aanu meteli Karin beesha Dhul-bahante isaga oo carabka ku dhuftay in aanay dadkaas meteli Karin dad kooxo ah oo hadba ku shaqeysanaaya magac gaara.
Xildhibaan Saleebaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Cidkasta oo danaha Somaliland ku jirto waanu soo dhaweynaynaa, marka hishiis la galayo dalka iyo dadku waa in ay xayn daabkooda dastuuriga ah ku eekaadaan dastuurka Somaliland-na meel ay kaga taalo laba madaxweyne iyo laba khaatumo laba maamul iyo laba dowladood iyo laba gole anigu maan arag, taasina waxaad arkeysaa inay tahay dastuuriyan wax aan habooneyn, umada Somaliland-na in la jaha wareeriyo maaha, cid waa lala hishiin karaa laakiin waa inaanay saameyn ku sameyn dastuurka iyo xeerarka uu qaranku leeyahay”