|

Al-Shabaab oo Waalidiin Boqol ku dhaw Xidh-xidhay Kadib Markii ay Diideen inay Carruurtooda ku Wareejiyaan Kooxdaas

Mudug 03. July 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab dad badan ku xir xireen Deegaanka lagu magacaabo War Shubo oo qiyaastii 90-km u jirta degmada Xarar Dheere ee gobolka Mudug.

 

Dadkan Al Shabaab xir xireen ayaa la sheegay in a diideen in caruurtooda ku wareejiyaan kooxdaasi oo dalbatay in ay kusoo wareejiyaan si ay u geeyaan goobo waxbarasho oo Al Shabaab gacanta ku hayaan laguna faafiyo fikirkooda.

 

Dad ku sugan deegaanka War Shubo oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in amarkan dadka lagu xir xiray uu bixiyay sargaal katirsan Al Shabaab oo lagu magacaabo Khaliif Maxamed Warsame (Khaliif Caddale), waxaana dadka la xir xiray laga qabtay badankood masjid deegaankaasi ku yaala.

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan deegaano katirsan gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada hoostaga Degmada Xarar dheere qaarkood la baxsadeen caruurooda halka kuwa kalana Al Shabaab ku wareejiyeen.

 

Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ku amrayeen waalidiinta ku dhaqan deegaanada ay maamulaan in ay keenaan caruurtooda si ay u geeyaan goobo waxbarasho ay gacanta ku hayaan si ay wax u baraan afkartoodana uga dhaa dhiciyaan.

Comments are closed