Haweenaydii u horreysay ee Hoggaamiye ka noqota Hong Kong oo la dhaariyey iyo Odhaahda Madaxweynaha China
Hong Kong 03. July 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha cusub ee Hong Kong Carrie Lam, ayaa loo dhaariyey Xilka hoggaaminta Jasiiraddaas. Lam, ayaa ah Haweenaydii ugu horraysay ee hoggaamiye ka noqota Hong Kong.
Madaxweynaha dalka Shiinaha, ayaa ka qaybgalay dhaarinta Xafladda dhaarinta Hoggaamiyaha Hong Kong, xilli sidoo kale isla maanta la xusayey 20-guuradii ka soo wareegtay markii Boqortooyada Britain ay Jasiiraddaas ku wareejisay Dawladda Shiinaha.
Xi Jinping ayaa ka qaybgalay xaflado dhowr ah oo ay ka mid tahay xaflad calanka lagu saarayay, xili ammaanka si wayn loo adkeeyay. Hase-yeeshee, sida ay Baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warkan ka soo xigannay, isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaal taageersan dimuqraadiyadda iyo kuwa taageersan xukuumada Beijing, ayaa ka dhacay meel u dhaw goobta ay xafladda ka dhacaysay, waxaana la xiray dhowr qof.
Khudbad uu jeediyya Madaxweynaha Waddanka Shiinuhu maanta intii uu Xafladahaas isbarkan ku sugnaa, ayuu ku sheegay in Hong Kong immika ay ku naaloonayso dimuqraadiyaddii ugu waynayd ee abid soo marta taariikhda Jasiiraddaas.
Waa booqashadisii ugu horraysay ee uu magaaladaas ku tago tan intii uu noqday hogaamiye 2013 waxa ayna imanaysaa saddex sano ka dib markii qaybo ka mid ah Hong Kong,ay ka dhaceen dibadbaxyo bilooyiin socday oo lagu doonayay dimuqraadiyad.
Weriyaha BBC ee Hong Kong Juliana Liu ayaa barteeda a tweetarka ku sheegtay in ay jiraan isku dhacyo dhexmaray booliiska iyo dibad baxayaal taageersan dimuqraadiyada.
Xisbiga u janjeera dhanka dimuqraadiyadda ee Demosisto, ayaa sheegay in ay booliiska xireen shan qof oo ka mid ah Xubnaha Xisbiga iyo shan Xubnood oo ka mid ah Xisbiga League of Social Democrats.
Dadka la sheegay in la xidhay waxaa ka mid ah Joshua Wong, oo ah hoggaamiyaha daladda dhaqdhaqaaqa dibedbaxyada.