|

‘’Max’ed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa Yidhi Soomaali Wey isu Tegaysaa+ Hadii aad Tidhaahdaan Alle kama Yeelee Somalia ayaan is raacaynaa Anigu Idin Raaci maayo,Hargaysa,Berbera,Burco Iyo Laascaanood oo  Xamar laga Xukumo degenaan maayo halkan ee Waan ka Haajirayaa’’ Dardaarankii Cigaal DAAWO

Hargaysa 01. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dawlada federaalka Somalia Maxamed C.laahi Farmaajo oo ka hadlayay Munaasibada Maalintii Calan saarka Goboladii Koonfureed ee 1- July oo xalay lagu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuun Cigaal uu sii Sheegay inay Somaliya is raaci doonto.

‘’Max’ed Xaaji Ibraahin Cigaal Raysal Wasaarihii Hore ee Somalia ayaa Yidhi Soomaali Wey isu Tegaysaa Idaacadaha Bbc-da ayaa iyadoo duuban Laga Helayaa” Madaxweyne Farmaajo +  Hadii aad Tidhaahdaan Alle kama Yeelee Somalia ayaan is raacaynaa Anigu Idin Raaci maayo,Hargaysa,Berbera,Burco Iyo Laascaanood oo  Xamar laga Xukumo degenaan maayo halkan ee Waan ka Haajirayaa’’ Marxuun Maxamed X.Ibraahin Cigaal.

Hasa yeeshee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa dabayaaqadii 1999-kii Wuxuu labada gole ee baarlamanka Somaliland ka hor sheegay in hadii Ummada Somaliland ay mar kale go’aansato inay la Midowdo Somalia aanu isagu Shakhsi ahaan raaci doonin Isagoo intaas ku ladhay in Hadii Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland laga Xukumo Xamar uu taas badalkeeda ka Haajiri doono Somaliland.

Comments are closed