Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Inay Dib U Bilaabayaan Wada Hadalkii Somaliland Iyo Soomaaliya U Dhaxeeyay DAAWO
Muqdisho 02. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in mar kale dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaanu sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay munaasabad calan saar ah oo Muqdisho lagu qabtay oo aheyd 57-sano guuradii ka soo wareegtay markii ay calanka qaateen.