|

‘’Muqdisho way kaga badisay Hargeysa labadii mawqif ey ka kala qaateen khilaafkii Dawladaha Khaliijka Waayo’’ Cali Guray

Hargaysa 02. July 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa Sheegay in Xukuumadda Muqdisho ay ka badisay Xukuumadda Hargaysa Marka la eego Mawqifyadii ay ka qaateen Qadiyadda Khilaafka Khaliijka.

Cali Guray ayaa Sababta Guusha Ku nisbeeyay in Somaliland oo Ku hagaagsanayd Mawqifka ay qaadatay hasa yeeshee ay waday Cidii ka Midho dhalin lahayd.

Qoraal Kooban oo uu ku faafiyey Degelka Facebook ayaa u dhignaa Sidan:- ‘’Muqdisho way kaga badisay Hargeysa labadii mawqif ey ka kala qaateen khilaafkii Dawladaha Khaliijku ay ku qaybsameen. Waayo? Ma waxa la odhan karaa Somaliland baa mawqif qaldan qaadatay? Anigu ma qabo. Mawqifka ay qaadatay waxan u arkaa inu ahaa kii saxa ahaa laakiin nasiib darro yaa ka midho-dhalin sideese looga midho dhalin karaa?, waa wax kale. Sua’aashan inta aan laga jawaabin waxa ka horaysa sua’aal kale waxanay tahay, horta ma la doonayaa in laga midho-dhaliyo oo Somaliland maanta raqiis maaha eh qiimaha ay kaalinteeda iyo mawqifkeeda ku iibin karayso ku iibiso? Waana taa ta aniga ay iga maqan tahay jawaabteedu ama i dagtay.

Waxan u arkayay hadii ay jawaabtu haa tahay in Madaxwaynaha xilka haya u noqon karaysay fursad legacy-gii ugu waynaa intii uu xilka hayay ee lagu xasuusan lahaa marka uu xilka ka dego hadii inta la shaqaynaysa ee talada haysaa ay daacad u yihiin oo ay guul la doonayaan. Hadiise ay ku jiraan anigu ma hubo eh, ku isagana la shaqaynaya Muqdishona la mawqif ahi dee arinkoodu waa qawda maqashii waxna ha u qaban waana ayaan darro sideeda u taal iyo nasiib darro oo waa tii heestii tidhi:

AAN KULA LUG AHAADO

OON KAA LAAB AHAADO

WAA LUR IYO HADIMEE

Tu kalena waa tii tidhi:

DADKA WAA LA NOOLOW

OO NABAD AHAADA

AMA WAA KA NOOLOW

OO NACAB AHAADA

Bariga Dhexe iyo khilaafka Khaliijka ka taagan iyo hiilka ay Somaliland hiilisay iyo godobta ay u badheedhay miyaa la aqbali karaa inay kuligeedba noqoto ama laga dhigo bar-kuma-taal. Taasi aniga xagayga wax la aqbali karayo maaha. M/ waynaha iyo qaranka Somaliland ciddii aan guul la doonayn iyagana ma waxay u qabaan in tooda gaarka ahi ay u socon doonto? Mise dhuumasho dhabarku muuqdo ayay caqliyadooda is leeyihiin ma jirto cid idin arkaysaa?

Bal day somalia xataa jaaliyadihii soomaalida Gadar halka ay marayaan waanay ku hagaagsan yihiin waayo dee waa halkii ay deganaayeen ey ka shaqaysanayeen. Imaaraadka soomaali ma degana miyaa? Sucuudiga soomaaliyi ma degana miyaa? Maya, waxa deggen mid walba in ka badan inta Gadar degan. Laakiin cidda kala badisay maaha Qatar iyo Imaaraadka haabhaabanaya inay Marinka Gaza ee Falastiin ka tirtirto saamaynta Qatar iyo Turkigu ku leeyahay. Waxa kala badiyay ama kala badin doona hadii ay sidan ku sii socoto waa Muqdisho iyo Hargeysa marka ugu dambaystaa mawqifka soomaalida oo dhami isugu biyo shubto mawqifka Muqdisho Waanay ku socotaa.

Sidaa daraadeed anigu waxan ku talinayaa in fadhiga laga kaco mawqifkii xukuumadda Somalilandna si abaanulan oo aloosan loo galo xukuunadduna debaca iyo jiitanka ka deyso fadhigana ka kacdo waa kii hore geeljirkii soomaalidu u yidhi:

JALQIS NIN U SHUBAY

JIITANNA U HORAY

JIILAALKA HORTII

WUU KU JEBIYAA

Caligurey

Comments are closed