|

Qadar Oo Canbaareysay Sacuudiga Oo Diiday In Laga Wadahadlo Shuruudihii Ay Soo Bandhigeen

Doha 02. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa ku canbaareeyay dalalka khaliijka ee ay deriska yihiin diidmadooda in laga wadahadlo dalabyadooda  ay ku xidheen  in dib loo furo xidhiidhkii dhulka, cirka iyo badda ee ay jareen.

Sheikh Mohammed al-Thani ayaa sheegay in mowqifkaasi  aka soo horjeedo mabaadida xidhiidhada caalamiga ah.

 

Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Bahrain iyo Masar ayaa ku eedeeyay  Qadar in ay taageerto argagixisada- taas oo au iyana beenisay.

Waxa ay soo bandhigeen liis shuruudo ah  oo ay  Sucuudi Arabiya  wasiirkeeda arrimaha dibaddu ku tilmaameen salaasadii lagama ahadlaan.

Dalka Qadar oo saliida iyo gaaska hodan ku ah ayaa ku tiirsanaa waxyaabaha aasaasiga ah oo uga iman jirey dibada.

Comments are closed