|

Qodobo dhowr ah Midowga Afrika ka Falanqeeyey Xaalada Qaarada ee Xiligan

Addis Ababa 02. July 2017 (SDN/QJ):- Kalfadhiga 31-aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Magaalada Addis-ababa kaas oo inta badan lagu falanqeeyey arimo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, ammaanka, iyo socdaalka.

Shir jaraa’id oo uu  qabtay, Xoghayaha Guud ee Guddigaasi Mourad Ben Dhiab ayaa waxa uu ku sheegay in shirka diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka iyo nabad galyada iyo sidoo kale socdaalka qaaradda, arrimaha qaxootiga, barakaca iyo sidoo kale iskaashiga laba-geesoodka ah oo ay wehelinayaan ajendayaasha kale ee kulanku, Intaas waxaa sii dheer oo uu  Golaha Fulintu  ka hadli doonaa arrimaha horumarinta kaabayaasha, tamarta, horumarinta dalxiiska ee  iyo is-dhaafsiga xogaha iyo macluumaadka.

 

Sida ay baahisay Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA Kalfadhiga 31-aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika  ayaa socon doona muddo labo maalmood ah.

Comments are closed