|

WHO: Tiknoolajiyadu Waxay Kor u Qaadi Kartaa Daryeelka Caafimaad ee Afrika

Addis Ababa 02. July 2017 (SDN/QJ):-  Sanad walba 11 Milion oo Afrikaan ah ayaa dhibaato kala kulma adeegyada caafimaadka oo qiimahoodu qaali ku noqday, tani waa mid ay bedeli karto tiknoolajiyada casriga ahi.

Tiknoolajiyada oo la dhexgeliyo oo loo isticmaalo hanaanka caafimaad ee Afrika waxay fure u tahay in daryeelka caafimaad uu gaadho dadka saboolka ah iyo kuwa kale ee u nugul, sida ay sheegtay Xoghayaha hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO , Dr. Matshidiso Rebecca Moeti oo iyadoo ka hadlaysay shirwaynahii ugu horeeyey ee caafimaad ee ay WHO ku qabato Afrika intaa ku dartay in isticmaalka tiknoolajiyada casriga ahi ay fursad wanaagsan u tahay daryeelida caafimaadka.

Drs Rebeca oo shirkan kaga qaybgashay Dalka Ruwanda waxay sheegtay in Tiknoolajiyadu gacan ka gaysan karto helitaanka iyo iskudubaridka xogaha iyo  tababarida shaqaalaha caafimaadka iyadoo faa’iidooyin kale oo badana u leh.

Shirweynaha caafimaad ee Afrika oo  qabsoomay 27 ilaa 28 bisha June ayaa diirada lagu saaray iskaashiga ka dhexayn kara Xukuumadaha, Hay’adaha caalamiga ah, ururada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ee Qaarada  si ay u bixiyaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran, iyadoo laga duulayo sidii uu qof waliba u heli lahaa adeegyada caafimaad ee uu u baahan yahay isagoo aan qiimo badan ku bixin.

Dhibaatooyinka haysta caafimaadka Afrika oo lagu soo qaaday shirweynahaasi waxaa ka mid ahaa in aanay wadamada qaarkood  haysan shaqaale caafimaad oo xirfad leh, kuwaasoo la dhibaataysan tababar yarida haysata Dhakhaatiirtooda, kalkaaliyayaashooda iyo xitaa umulisooyinka.

Qaarada Afrika waxa lagu ogyahay 25% caabuq sidayaasha ugu xun dunida waxaana jooga 3% oo keliya dhakhaatiirta caalamka, caqabadaha kale ee weli horyaalana waxaa ugu waaweyn cudurada ay ka mid yihiin HIV/AIDS, Qaaxada, Duumada iyo haweenka umul raaca.

Comments are closed