|

Jasiiradda Qubrus Oo La Doonayo In La Mideeyo

Qubrus 02. July 2017 (SDN/QJ):- Wadahadallo ujeeddadoodu tahay dib u mideynta Jasiiradda kala qaybsan ee Qubrus ayaa ka billowday wadanka Switzerland, iyadoo ay gadhwadeen ka tahay Qaramada Midoobay.

Wadahadaladda ayaa la filayaa inay socdaan saddex maalmood waxaana ka qayb galaya hogaamiyaha Giriigga Qubrus iyo kuwa bulshada Turkiga Qubrus,iyo sidoo kale wasiiradda arrimaha dibadda Giriiga, Turkiga iyo Ingiriiska.

Dhamaan dhinacyada muhiimka u ah qorshahan ayaa waxay doonayaan in la mideeyo Qubrusta kala qaybsan dhamaantoodna kulanka ayay ku dhan yihiin, waxaa kaloo goob joog ka ah kulankan diblumaasiyiin ka socota Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub.

Waxaa jira heshiis laga gaadhay meelaha qaar, sida awood wadaaga iyo xuquuqda dhulka, laakiin arrinka ugu adag ee is mariwaagu ka taagan yahay waa dhanka ammaanka kaasi oo taagnaan doona illaa iyo dhamaadka.

Turkiga waxaa ka jooga waqooyiga Qubrus 35,000 oo ciidammo ah, iyadoo Giriigu uu qabo in aanay door ku lahayn ciidankaas dib u mideynta ka dib, laakiin Turkigu wuxuu doonayaa in ciidamadaas joogaan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay jirto fursad dhab ah oo heshiis lagu gaadho, laakin waxay ku bixisay digniin inaanay ahayn mid la isku halayn karo, isla markaana maalmaha soo socda ay yihiin kuwa adag.

Jasiirada Qubrus ayaa kala qaybsantay sannadkii 1974 markaas oo Turkigu guluf weerar uu ku qaaday wuxuuna geeyey ciidammo kumannaan kun ah.

Comments are closed