|

Waraaqo Digniin ah oo lagu daadiyay Magaalada Mosil ee Dalka Ciraaq iyo Cabsi xoogan oo lasoo daristay Shacabka

Mosil 02. July 2017 (SDN/QJ):- Milatariga dalka Ciraaq ayaa lagu eedeeyay in Waraaqo digniin ah ay ku daadiyeen xaafado katirsan magaalada Mosil, waxa ayna warqadahaasi dadka qaar uga digayeen in ay guryahooda si deg deg ah uga baxaan ama la dhibaateen doono.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee guddiga xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in qoysas badan oo kunool magalaada Mosil loo qeybiyay warqadaha digniinta ah ee loogu sheegayay in magaalada isaga baxaan ama la kulmi doonaan ciqaab adag.

 

Qoysaska qaar ayaa dadkan warqadaha daadiyay oo lagu tuhmayo in Milatariga katirsan yihiin waxa ay ku eedeeyeen in ay taageersanaayeen dagaalyahanada Kooxda Daacish ee inta badan xooga looga saaray magaalada Musil.

 

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowlada Ciraaq in laga hortago hanjabaada iyo cadaadiska lagu hayo dadka shacabka ah, waxa ayna dowlada ku boorisay in ay baarto ayna tilaabo ka qaado dadka ka dambeeya Warqadahan digniinta ah ee magaalada lagu daadiyay.

Comments are closed