|

Imtixaanka Shahaadiga ah oo Maanta Guud ahaan Dalka Somaliland Ka Bilaabmay & Markii u Horaysay Taariikhda oo ay Ka Qayb galayaan Maxaabiis Ku Jira Xabsiyada Dalka DAAWO

Hargaysa 01. July 2017 (SDN/QJ):-Imtixanada shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee fasalada afraad iyo dugsiyada dhexe ee fasalada sideedaad ayaa maanta si rasmi ah uga bilaamay gobolada iyo degmooyinka JSL.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare JSL md: C/laahi Ibraahihn Habane oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in sanadkan ay u fadhiisteen imtixaanka shahaadiga ah arday gaadhaysa 26500, kuwaas ooo 16kun oo ka mid ah ay u fadhiisanayaan fasalada sideedadka ee dugsiyada dhexe waana arday wax ka kala baran jirtay afar boqol iyo seddex iskuul.

Dhanka dugsiyada sare ayaa wasiirku waxa uu sheegay in arday ka badan toban kun ay u fadhiisteen imtixaan shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare, kuwaas oo wax ka kala bartay boqol iyo kow iyo labaatan iskuul.

Wasiiru-dawlaha wasaaradaasi Md: Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa ku sifeeye ilaalinta adag ee imtixaanka lagu hayo in looga danleeyahay in ay qaranka u soo baxaan arday waxbarashadoodu tayo leedahay.

Agaasiimaha cusub ee wasaaradaasi Md: Axmed Abokor Maxamed ayaa ku amaanay wasaarada waxbarashada hanaanka ay u soo diyaarisay qabashada imtixaanka.

Goobaha ay ka dhacayaa imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland ayaa aad loo adkeeyey waxaana ka hawl galaya ilaa kun Askari oo ka tirsan ciidamada amaanka gudaha iyo boqolaal gaadiidka rayidka ah.

Xafiiska imtaxaanaadka Qaranka Somaliland ayaa markii ugu horaysay taariikhda waxaa uu ku guulaytay in uu imtaxaanka shahaadiga ah ay u fadhiistaan arday maxaabiis ah kuwaas oo ku xidhnaa xabsiga dhexe ee hargaysa.

Ardaydan ayaa waxaa la keenay wakhtigii imtaxaanka bilaabmayay xafiiska manaahiijta waxaana loo xidhay dirayskii ardaynimo laga furay katiinaddii waxaana loo dhiibay imtaxaankii maanta ay galayeen.

Inkasta oo aanay banaanayn in la sawiro oo xuquuqdooda la ilaalinayay haddana waxaa dushooda ka muuqday farxad aad u balaadhan.

Waxaana xafiisk imtaxaanka qaranka oo uu Guddoomiye u yahay Daa,uud Axmed Faarax balan qaaday in ay ardayda kale la dhamaysan doonaan imtaxaanka oo marka warqadaha laga qaado ee ay ka shaqeeyaan imtaxaanka ay ku laaban doonaa halkii ay ku xidhnaayeen, halka subax walbana la keeni doono goobta manaahiijta oo ku hor taal xafiiska imtaxaanaadka

Talaabadani ayaa ah mid ay hore u qaadeen wasaaradda waxbarshadda iyo tacliinta sarre iyo xafiiska imtaxaanaadka qaranka.

Comments are closed