|

Koonfur Galbeed oo Ciidamo u Diray Afhayeenkii Hore ee Ururka Alshabaab Sheekh Roobow Kadib Markii laga War helay Ciidamo Alshabaab ah oo Degaanka uu Ku Sugan Yahay Ku sii Siqaya DHAGAYSO

Baydhaba 01. July 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab ay buux dhaafiyeen deegaano lagu tuhmayo in uu joogo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mar kamid ahaa Hogaanka ugu sareeya ee kooxdaasi balse markii dambe Khilaaf soo kala dhax galay hogaanka Kooxdaasi duurka u galay.

Sheekh Muqaar Abuu Mansuur ayaa dhowaan dowlada Marekanka waxa ay ka saartay liiska shaqsiyaad si weyn ay u doonaysay ee ku jira liiska waxa loogu yeero argagaxisada, waxaana Abuu Mansuur dib looga noqday lacag malaayiin Dollar ah oo horey madaxiisa loo dul saaray.

Kooxda Al Shabaab oo ka cabsi qabta in Abuu Mansuur isku dhiibo dowlada Soomaaliya ayaa dagaalyahano badan la sheegay in ay u dirtay deegaano katirsan gobolka Bakool oo la tuhmayo in ay joogaan dagaalyahano ku heyb ah Abuu Mansuur hallkaasna ku ilaalinaya.

 

Xiisad ayaa laga dareemayaa Deegaanada lagu tuhmayo in ay joogaan taageerayaasha Abuu Mansuur halkaas oo ku dhawaadeen dagaalyahano kale oo katirsan Al Shabaab, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay dagaalamaan dagaalyahanada taabacsan Abuu Mnasuur iyo kuwa Al Shabaab.

Maamulla Koonfur Galbeed ayaa ciidamo u diray gobolka Bakool si ay gacan u siiyaan Mukhtar Roobow Abu-Mansoor oo ku sugan gobolkaasi.

 

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in Abuu Mnasuur uu wada hadlo ku jiro dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagana yaabo in uu isku soo dhiibo, waxaana warkan uu sii xoogeestay markii dowlada Mareykanka Abuu Mansuur ka saartay liiska dadka la doon doonayo.

 

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Abuu Mansuur laga saaro Liiska dadka sida weyn Dunida looga doon doonayo, waxa ayna Koonfur Galbeed sheegeen in Abuu Mansuur uusan aheyn xagjir weyn ayna abaal uga hayaan masuuliyiin katirsan dowlada oo Baydhabo uga sii daayay markii Shabaab magaaladaasi la wareegayeen.

Comments are closed