|

Gudoomiyaha Gobolka Sool Iyo Madax Wehelisa oo Kormeer Ku Maraya Deegaano ka Tirsan Gobolkaas

Laascaanood 01. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gobolka Sool Md Cabdi Khayre Dirir oo uu wehelinayo mayorka Magaalada laascaanood iyo madaxa hawlgelinta booliska ee gobolkaasi oo sii wada kormeerkoodii ay gobolkaa ku marayeen ayaa gaadhay Degmooyinka Guumays iyo goljanno oo ka tirsan degmada yagoori .

Weftigu waxa uu Kulan la qaatay odayaasha deegaankaasi iyo maamulka degmadaasi waxana ay kala hadleen ka qaybqaadashada qaadhaan ururinta barnaamijka ka soo kabashada abaaraha iyo joojinta deegaamayn cusub oo meelo ka mid ah degmadaa laga samaynayo, kuwaas oo uu wasiirka arimaha guduhu wareegto ka soo saaray baabi’intooda.

Odayaasha deegaankaasi waxa ay dhankooda ballanqaadeen inay wada shaqayn la samaynayaan maamulka degmada waxaa ay ka codsadeen gudoomiyaha Gobolka in wax looga qabto hawlaha adeegyada dawlada sida biyaha iyo waxbarashada.

Dhanka kale Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Sool ayaa Ku Wareejiyey Afar Kooxood oo ka dhisan Degmada Yagoori ee Gobolka Sool agab ciyaareed oo uu ku soo deeqay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Degmada Yagoori ayaa Noqonaysa Degmadii Lixaad ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi uu Gaadhsiiyo agab Ciyaareed kala duwan.

Comments are closed