Haweeney Maxkamad loo saaray in Jaceylkeeda U Sahashay In Uu Galo Dalka Britain Iyo Saxaafadda Oo Aad U Hadal Haysa…
London 30. June 2017 (SDN/QJ):- Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska ayaa lasoo taagay maxkamad kutaala dalkaasi, waxaana haweeneydan loo heestaan in ay u fududeesay in Lamaanaheeda oo ajnabi ah uu tahriib ku galo dalka Britain.
Beatrice Huret ayaa lasoo taagay Maxkamad waxaana dacwada loo heestay garsoorayaasha ku sheegeen in nin u dhashay dalka Iiraan ay ku baratay xerada ay soo galootiga a dagan yihiin ee Calais ay u fudeesay in uu galo dalka Britain halkaasna uu iska dhiibay.
Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay in ay doon u iibisay Jaceylkeeda u dhashay dalka Iiraan oo lagu magacaabo Mukhtaar iyo labo qof oo kale kuwaa oo ka gudbay xadka Faransiiska iyaga oo doon adeegsanaya tahriibna ku galay Britain.
Dacwada loo heesto Beatrice Huret ayaa la sheegay hadii lagu helo in ay wajaheyso 10-sano oo xabsi ah, waxaana Maxkamada waxaabaha baareyso kamid ah in haweeneydan uu ka dhintay askari kamid ahaa ciidamada ilaalada xuduudaha in ay kamid tahay koox dadka tahriibiya.
Haweeneydan oo banaanka maxkamada kula hadashay Wariyaasha ayaa sheegtay in ay ogtahay waxa ay sameesay, waxa ayna tilmaantay falkan ay ku kacday in uu sabab u ahaa jaceylka ay u qaaday ninka ajnabiga ah ee u dhashay dalka Iiraan.
Beatrice Huret ayaa wal walka weyn ay qabto ku sheegtay in uu yahay in aysan dib dambe u arki doonin jaceylkeeda Mukhtaar hadii xabsi la geeyo, waxa ayna xustay in si joogto ah ugu booqan jirtay saxiibkeed guriga uu ka dagan yahay dalka Britain.
Khareenada difaacaya haweeneydan u dhalatay dalka Faransiiska ayaa ka codsaday maxkamada in dambiga ka cafiyaan Huret, waxa ayna sheegeen in dambiga ay gashay ku xumbaartay bini’aadanimo iyo jaceyl is biirsaday.