Ruushka oo Nidar Ku Maray in aanu daawan doonin Hadii Maraykanku Farogalin Mileteri ku Sameeyo Suuriya
Moscow 30. June 2017 (SDN/QJ):- Dalka Ruushku waxa ay ku dhawaaqeen in aanay gacmaha ka laaban doonin farogelin millateri oo Maraykanku ku sameeyo fadhiisimada milateriga dalka suuriya.
Wasiirka wasaaradda arimaha dibada ee Dalkaasi Ruushka Sergey Lavarof oo magaalada moosko kula hadlay warbaahnta ayaa sheegay in Dawlada Ruushku jawaab ka bixinayso hadii Maraykanku duqayn ku sameeyo ciidamada dawlada Suuriya ee dagaalka kula ijira argagixisada ku soo duushay dalkooda, sida uu wasiirku hadalikiisa u dhigay.
Wasiirka arimaha dibada ee Ruushku waxa uu intaa ku daray in sirdoonka Maraykanku caado ka dhigtay been ay xukuumada suuriya ugu jeedinayaan inay diyaarinayso weerar dhanka hubka kiimikada ah, taas oo uu ku tilmaamay mid aan u suuroobayn.
Dhinaca kalena Xukuumada Suuriya ayaa ku eedaysay in Maraykanku taageero kooxaha ay ugu yeedheen argagaxisada ee ka dagaalamaya gudaha Suuriya kuwaas oo xukuumadu ku sifaysay inay ku fashilmeen burburinta qaranimada dalkaasi.