Weftigii uu hogaaminaayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu oo kulan is xog waraysi ah iyo Dabaal dega 26 june ah la yeeshay jaaliyada Dalka Sucuudiga,Nuxurka Khudbadihii Madashaas SAWIRO/DAAWO
Riyadh 29. June 2017 (SDN/QJ):-Weftigii Somaliland ee ku sugnaa Sucuudiga ayaa kulan la qaatay Jaaliyada reer Somaliland ee degan Dalka Sucuud, waftigan oo uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay ka mid ahaayen , Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, Wasiirka Wasaarada Qorshayanta iyo Haruumarinta Maxamed Ibraahin “Qabo”, iyo masuuliyiin kale ayaa in dhawayadba ku sugnaa Dalkaasi Sucuudiga.
Waftigu waxa ay kulankaas warbixino kaga dhagayteen Jaaliyada reer Somaliland ee degan Dalka Sucuudiga, halka ay iyaguna warbixin ka siiyen Xaalada Dalkooda hooyo ee Somaliland.