Wefti uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Norway oo Hada Gaadhay Magaalada Muqdisho
Muqdisho 29. June 2017 (SDN/QJ):-Wefti uu hoggaaminaayey wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Norway Mr.Borge Brende, ayaa goor dhaweyd gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah dalkaasi Somaliya.

Xubnaha weftigan, ayaa la filayaa in goor dhow ay Madaxtooyada dalkaasi kulan khaas ah kula qaataan madaxda dalka Somaliya iyaga oo ka wada hadli doona xaaladaha amaan suggidda ee laga wado gudaha magaalada Muqdisho, waxyaabaha ka dawlad ahaan u qabsoomay iyo weli ba waxyaabaha weli ka qabyada ah ee ay u baahan yihiin laga taageero.