“Cabdiraxman Cirro Waxa uu Leeyahay Haybad iyo Karti uu Somaliland Kaga Dhigi Karo Dal Loo Siman Yahay.”.Siyaasi Cabdirashiid Jeeni
Hargaysa 28. June 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Cilmi baadhista Xisbiga WADDANI Aqoonyahan Cabdirashiid Maxamed Aadan(Cabdirashiid Jeeni), ayaa si faah-faahsan u soo bandhigay waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Murashaxiinta u tartameysa doorashada Madaxtooyada Somaliland ee saddexda Xisbi qaran, waxaana uu farta ku fiiqey in Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uu lee yahay kari siyaasaddeed, mid khibaraddeed iyo aqooneed ba oo aanay lahayn Murashaxiinta kale ee dhiggiisa ah ee la tartameysa.
Siyaasi Cabdirashiid Jeeni oo hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebook ga, ayaa waxa uu sheegay in Dr.Cabdiraxmaan Cirro uu yahay shakhsi leh haybad, doonis iyo weli ba karti uu Somaliland kaga dhigi karo dal loo wada siman yahay oo la wada lee yahay isaga oo si gaara u sii sheegay in uu Murashaxiinta kale ee dhiggiisa ah uu kaga fiican yahay dhanka dadka isku heynta iyo isku soo ururinta mid qofeed iyo mid qaran ba.
Qoraalka aanu ka soo xiganay bogga Facebook ga ee Aqoonyahan Cabdirashiid Jeeni, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
In aynu doorashada soo socota horseedno mustaqbal kan dhaama waxa dhammaanteen innaga saaran masuuliyad weyn, waxaynu u baahannahay in aynu u-meel-dayno codkeenna, hoggaanka aynu dooranaynona ku salayno waxa aynu u baahannahay.
Waxaynu U baahannahay:
– #Midnimo: si aynu u helo ixtiraam caalami ah waxa lagama maarmaan ah isku-duubnida gudeheenna, Dr. Cabdiraxman Cirro waxa uu leeyahay haybad, doonis iyo karti uu Somaliland kaga dhigi karo dal si dhab ah loo wadaago, loona siman yahay. Sidoo kale, labada masuul ee la tartamayaba wuu kaga wanaagsan yahay dhanka ururinta iyo isku-haynta dadka, heer qofeed iyo heer-qaranba
– #MaamulWanaag: Dalka waxa innaga aafeeyey qabyaalad xadhkaha goosatey, waxayba meesha ka saartay hab-maamulkii dawliga ahaa, si aynu taas uga gudubno waxad Dr. Cabdiraxman Cirro ku doorataa khibraddiisa maamul ee muddada 30ka sano ka badan, waxay isugu jirtaa khibrad maamul oo ah dhinacyada: Ganacsiga gaarka ah, Baarlamaanka iyo weliba Xukuumadda – dal iyo dibedba. Waa maamul-yaqaan leh Xil-kasnimo ka baaxad badan tan masuuliyiinta uu tartanka kula jiro
-#Aqoonsi: Maadaama oo aynaan ahayn dal u tirsan bulshada adduunka, waxa lama huraan ah in khibradda iyo xidhiidhada caalamiga ahi innoo noqdaan mudnaanta koowaad ee aynu ku xulanayno Madaxweynaha xiga, Dr. Cirro waxa uu leeyahay khibrad diblomaasiyadeed oo 40 sano ah, waa hoggaamiyaha keli ah ee laga fili karo in uu dalkan u jeexo dhabbada aqoonsi iyo ixtiraam caalami ah.
Ugu danbetyntii, maadaama oo ay arrintu sidaa tahay waxa dhammaanteen innagu waajib ah inaynu dalka ku ridno tubta toosan, iyo in aynu bulshada kale u tilmaamno sidii ay baahiyaha qaranka iyo arrad-beelka baahiyahaas isula doonan lahaayeen Xisbiga WADDANI-na garab uga dhigan lahaayeen.