|

Ku Simaha  Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Ka Sheekeeyay Muhiimada ay Qaranka Somaliland u Leedahay Munaasibada 26 June DAAWO

Hargaysa 27. June 2017 (SDN/QJ):- Munaasibada oo uu ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka, ahna ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylic, isaga oo khudbad uu jeediyeyna kaga hadlay qiimaha maalinta 26 juun waxa uu yidhi “ Maanta waa maalin weyn, waa maalin aad innoogu qiimo badan, waa maalin mudan inaynu muunayno, waa maalin mudan inaynu xusno, waa maalintii aynu xoriyada ka qaadanynay maxmiyadii Ingiriiska, dhawr iyo todobaatan sanadood markay hoos joognay maxmiyadoodii, waa todoba iyo konton guuradoodii ka soo wareegtay 1960-kii bishii Juun 26-keedii. Maalintaasi qiimaha ay leedahay awgeed waxaan halkan hambalyo ugu dirayaa dhamaan Ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba, waxaan leeyahay hambalyo, sidoo kale ciid mubaarak, cisi ku ciida, caafimaad ku waara meel kasta oo aad joogtaan, Hambalyo Hambalyo.”

Madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa geesta kale ka hadlay midha ay Somaliland ka heshay qaranimadeeda ay la soo nqortay waxaanu yidhi “ Qaranimadaa aynu la soo noqonay kuma aynu khasaarin, iyagiina waa kuwaa ilaa maanta dhibaatada haysata aynu ognahay, waanaynu uga ducaynaynaa, waa dad muslim ah oo walaalaheen ah, mar walba waxaynu innagu diyaar u nahay in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya uu socdo innaga oo ujeedadeenu mar walba tahay inaynu laba dal, oo Soomaaliyeed oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Jamhuuriyadda Soomaaliya la yidhaa aynu ku heshiino, walaaladeen iyaguna ay danahooda ka tashadaan, innaguna aynu kuweena ka tashano, mar walba diyaar ayaanu u nahay wada-hadalkaasi, laakiin walaaladeen waxaad mooday in dad ina qabsaday ay ahaayeen oo dad walaalnimo isugu tagay sideedii oo kale uma dhaqmaan, waxay u dhaqmaan sidii dad ina qabsaday, oo hadalo laaxin leh ay yidhaahaan oo  iyaga oo aan magaaladii caasimadii Muqdisho iyagoo aan ka taglin ay ku hadaaqayaan ilaayo Lawyo-cado ayaanu ka talinaa, waa nasiib darro, madaxda cusub ee dhalinyarada ah ee maanta Soomaaliya loo doortay waxaan leeyahay jidkii kuwii hore ay ku habaabeen ha marina, duniduna horumar ayey gaadhay qof walbana waa lagu ixtiraamaa ra’igiisa, Umadda reer Somaliland go’aanka ay qaateen waa inay ku ixtiraamaan oo aanay isku daalin.”

 

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa fariin u diray shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “ Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay dawladnimo waynu haysanaa maanta reer Somaliland-now, intaynu qabiil ixtiraamayno, ee qabiil iyo nin jecelaysi aynu wadno qaran dhisi mayno, qaranimo waxaynu ku dhismaynaa inagoo qabiilka haylkaa iska dhigna, hadaynaan qabiilka halkaas iska dhigayn qarannimo dhi

Comments are closed