Xukuumada Washington oo Ka Niyad Xun sii socoshada Cunoqabataynta Dalka Qatar
Washington 23. June 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Maraykanka ayaa muujisay sida ay uga niyad xun tahay go’aanka Sucuudiga ee ku aaddan cunoqabataynta Dalka Qatar.
Afhayeen u hadashay wasaaradda Arimaha Dibada ee Dalka maraykanka ayaa sheegtay inay Sucuudiga iyo dalalka la xulafada ahi ay ilaa haatan ku fashilmeen inay keenaan cadaymo rasmi ah oo ay ku xaqiijinayaan eedaymaha ay u jeedinayaan Dalka Qatar.
Gabadha lagu magacaabo Heather Naort oo u hadashay wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka goor dambe oo xalay ahayd waxa ay ka dalbatay dhamaan dhinacyada khilaafka khaliijka inay arinkooda xalliyaan oo wadahadal isugu yimaadan, iyadoo intaa ku dartay in ilaa haatan oo labo usbuuc laga joogo xiligii la bilaabay cunoqabataynta ay dalalka khaliijku soo bandhigi waayeen wax ay ku xaqiijinayaan eedaymaha ay Qatar u jeediyeen, arintaa oo ay ku sifaysay mid ay Washington la yaaban tahay.
Heather Naort waxa ay sheegtay inay haatan Maraykanku is weydiinayaan in culayska la saaray Qatar ujeedadiisa dhabta ahi tahay inay taageerto argagixisada iyo inuu yahay wax la xidhiidha khilaafaadkii qadiimka ahaa ee u dhexeeyey dalalka Khaliijka carabta.