Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta Oo Ka Hadlay Shil Doomeed Oo Ka Dhacay Lamu
Nairobi 23. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kiiniya, Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay dad gaadhaya toban qof oo ku dhintay shil doomeed oo ka dhacay magaalada Lamu salaasadii.
Dhambaal tacsi ah oo uu madaxweynahu u direy qoysaskii, eheladii iyo saaxiibadii dadka dhintay ayaa waxa uu ku sheegay inuu si gaar ah uga murugoosan yahay shilka oo dhacay xilli dadka badankiisu ku jiraan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweyne Uhuru waxa uu u rajeeyay caafimaad dhaqso ah kuwa la soo badbaadiyay ee la dhigay cusbitaalka boqor Fahad ee Lamu.
Doonta oo sidey 22 qof iyo qalab dhisme oo timi Ndau Islands , kuna jeeday Lamu, ayaa ku gaddoontey qooriga Mkanda mowjadaha badda oo kacsanaa awgood.
Dadka ku dhintay shilka ayaa ayaa waxa ku jirey carruur da’doodu u dhexaysay 10 ilaa 12 iyo afar waayeel ah.
Ciidamada badda Kiiniya iyo qawaasiin ayaa la helay meydka toban qof.