|

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar oo Magaaladda Washington Kulan Kula Qaadan Doona Madaxweyne Donald Trump & Ciidamo Turki ah oo Qatar Gaadhay DAAWO

Doha 22. June 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Qatar Mr: C/raxmaan Maxamed Binu Taani ayaa todobaadka soo socda booqasho rasmi ah ku tagaya caasimada maraykanka ee Washington, isagoo la balansan in uu kulan la yeesho madaxweynaha dalkaasi Mr: Donald Trump iyo xoghayihisa arrimaha dibada Mr: Rex Tellirson.

Mr: C/raxmaan Maxamed Binu Taani, waxa u qorshaysan in uu kalo hadlo madaxda maraykanka in lagu dirqiyo dawladaha wadankiisa gadoonka galiyey in ay ka qaadaan, isagoo ku tilmaamay in gadoonkaasi yahay mid ka hor imanaaya xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda Aadamaha, iyadoo maraykanku yahay saaxiibka ugu dhaw ee ay leeyihiin dawladaha khaliijku.

 

 

Geesta kale, ciidamo faro badan oo dalka Tukriga ka yimid ayaa soo gaadhay dalka Qatar, kuwaas oo wata gaadiidka gaashaaman, taas oo ay la samaynayaan ciidamada Qatar dhoola tus mulatari oo la magac baxay sugida amniga Qatar.

Comments are closed