Nin Xabsi Adag Ku Muteystay Sawir Laga Argagaxay oo uu soo Dhigay Bartiisa Facebook
Aljeriya 22. June 2017 (SDN/QJ):- Maxkamad ku taalla dalka Aljeeriya ayaa nin ku xukuntay labo sano ka dib markii uu canuggiisa ka soo laadlaadiyay daaqad isagoo ujeedadiisu tahay in facebook dhigo ka dib likes badan loo saaro.
Aabahan ayaa dadka la wadaagay sawiro uu ka muuqado isag oo canuggiisa ka laadlaadinaya daaqadda dabaq dheer, isaga oo ku soo qoray “1,000” likes saara ama waan sii dayn canugaā€¯.
Talaabada uu qaaday ninkan ayaa horseeday in ay dadka baraha bulshada aadeegsada ay dalbadaan in la xiro ninkaas sababtuna ay tahay inuu tacadi geystay.
Waxaa lagu xukumay inuu yahay Aabe qeyrul masuul ah oo halis galiyay ilmahaas yar naftiisa.
Barta internetka ee warbaahinta Al Arabiya ayaa sheegtay in ninkaas oo aysan magacaabin uu cannuga ka soo laadlaadiyay dabaqa 15 ee dhismo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Algers, waxaana aad uga argagaxay dhamaan dadkii daawaday.