|

Suldaankii Ugu Horeeyay ee ka soo Jeeda Somaliland oo Ka Hadlay Xaalada Cusub ee ka soo Korodhay wadamada Jabuuti iyo Eretria ,Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay inay Ciidan u Dirto Jabuuti DAAWO

Hargaysa 21. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Xiisad Siyaasadeed oo dagaal ay u dhaxaysay Dalalka Jabuuti Iyo Eretria Taas oo Salka Ku haysa Muran dhinaca Xudduudka ah, Ciidamo Nabad Ilaalin ah oo ka Socday Dalka Qatar ayaa isaga Baxay Soohdinta ay Labada dal Isku hayaan iyagoo taas kaga Jawaabaya Cuna qabataynta ay Xulufada Sucuudigu Hogaamiyo Ku rideen Waddanka Qatar.

Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka AWDAL, ayaa Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Boorama kaga hadlay Xiisadda ku dhexeysa Dalalka Jabuuti iyo Eritrea, kuwaasi oo isku haysta Jaziirad ku taalla Xuduudka labada Waddan.

Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf, ayaa sheegay inay u diyaar u yihiin inay Dawladda Jabuuti ka caawiyaan difaaca Dhulka ay isku haystaan Dawladda Eritrea isla-markaana doonayaan inay Ciidamo u diraan, wallow aan la garanayn waxa ku kelifay inuu arrintan ka hadlo, maaddaama oo aanay weli Dawladda Somaliland ka hadal Mowqifka ay ka taagan tahay.

Comments are closed