|

Guddoomiyaha Togdheer Oo Ka Hadlay Tallaabooyin Ay Kaga Hor Tegayaan Deegaamaynta Cusub

Burco 21. June 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax),  ayaa digniin u diray cid kasta oo isku dayda in ay dhul daaqsimeedka deegaamayn ku sameeyaan ama ay sheegtaan dhulka bannaan oo ay isku dayaan in ay cid kale ka iibiyaan.

Waxaa kaloo  uu intaa raaciyay in ay Xukuumadda ka go’an tahay in ay hirgaliyaan seerayaal qaran oo dalku leeyahay isla markaana seeraha Banka Aroori ee duleedka Burco uu hadda dhammaystiran yahay dhawaanna ay ka hawlgal ka fulinayaan.

Waxaannu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Guddoomiyaha oo ka hadlayay hawlgal ay shalay ku baabiiyeen berkado laga qodayay deegaano dhul daaqsimeed ah oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Burco waxaa uu yidhi. “Maanta(shalay) waxaanu ku baxnay oo aanu soo baabiinay   laba meelood oo dhul daaqsmeed ah oo dhnka bari kaga beegan magaalada Burco oo laga qodayay Berkado waanan soo aasnay labada meeloodba waxaanan uga digayaa cidkasta oo isku dayda in ay dhul daaqsimeedka ka samayso deegaamayn in tallaabo qaran laga qaadayo sida aanu kuwan u aasnay ee u duminay ayaanu u aasaynaa.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay waxa uga qorshaysan seerayaasha sharci darada ah ee la iska ooto,ayaa yidhi.”horta markasta waxaynu doonaynaa waa in wax inoo hagaagaan oo xooleheenu ay helaan dhul ay ku foofaan oo ay daaq iyo calaf ka helaan maantana waxaynu ognahay in xoolihii ay innagaga dhamaadeen daaq la,aan iyo dhul la iska ootay markaa annagoo fulinayna siyaasadda Madaxweynaha qaranka Somaliland ee uu digreetada ku soo saaray in aan dhul cusub la deegaamayn karin iyo seerayaasha sharci darada ah baabiintooda waxaa naga go’an in gobolka aanu ka tir tirno dhammaan dhul daaqsmeedka la iska ootay,waxaa dhacda in qof intuu cagaf iska kaxaysto oo uu ooto dhul dhan in uu ku sheego beer uu leeyahay taasina socon mayso dhulka ILLAAHAY,ayaa leh dawladda ayaana ka masuul ah dhulka xoolo daaqeenka ahna goolka waanu u badbaadinanaa,waxaanan u seegayaa dadweynaha in ay ka fogaadaan oo ay iska ilaaliyaan in dhulka noocaas  ah qof u sheegto in uu leeyahay oo uu cid ka iibiyo oo uu lacag kaga qaado taasoo aanaan cid olaga iibiyay iyo cid oodatay midna u daynayn.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay seerashaasha qaran ee gobolka Togdheer iyo hawl galka ay ka sameeyeen ayaa ydihi, “Maanta (shalay)waxaanu soo kormeernay seeraha bancawl waxaa kale oo diyaar ah oo dadkiina ay xoolihii kala bexeen oo ay banneeyeen Seerihii aroori waxaa kale oo aanu ka wada hawl galaynaa Wasaaradaha deegaanka iyo beeraha in seerayaasha kale ee gobolkana la wada xidho sida kii Qoyta markaa seerayaasha qaranku leeyahay si wanaagsan ayay dadka gobolka Togdheer u ogaadeen waxtarka ay xoolahooda u leeyihiin anagoo is kaashanaynana waanu ka wada hawl galaynaa.”

Comments are closed