Wiil Ku dhex Dhashay Diyaarada Laga Leeyahay Hindiya oo Loo Balanqaaday inuu Noloshiisa Bilaash Ku raaci doono Diyaaradaas Maadaama uu Yahay Ilmihii Kowaad ee Diyaaradaasi Ku dhex dhasha DAAWO
Delhi 21. June 2017 (SDN/QJ):- Shirkad diyaaradeed oo Hindiya laga leeyahay ayaa ballanqaaday in uu bilaash ku raaci doono diyaaradaheeda inta uu nool yahay wiil ku dhex dhashay diyaaraddooda.
Ilmahan ayaa ku dhashay diyaarad ay leedahay shirkadda Jet Airways oo ka soo duushay Sacuudi Carabiya kuna sii jeeday dalka Hindiya.
Shaqaalaha diyaaradda iyo qof rakaab ah oo leh tababar kalkaaliso caafimaad ayaa caawiyay oo ka dhaliyay haweenay ay qabatay fool wakhtigeedii ka soo hormartay.
Marka ay hawenaydaasi dhashay waxay diyaaraddu dhulka ka sarraysay 10,688 mitir.
Hoyada iyo canuga ayaa isbitaal la geeyay ka dib markii ay diyaaradda oo nooceedu yahay Boeing 737 ay dagtay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.
Shirkadda diyaaradda ayaa BBC-da u sheegay in wiilka iyo hooyadiiba ay caafimaad qabaan.
Shirkadda ayaa shaqaalaha iyo kalkaalisada caafimaadka uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ugu guulaysteen ka umulinta haweenayda wiilka dhashay.
Shirkadda ayaa sheegtay in wiilkaasi uu ahaa Ilmihii koobaad ee diyaaradahooda ku dhasha.
Diyaaradaha badankood way ogolaadaan in ay qaadaan dumarka uurka leh inta ka horaysa toddobaadka 36aad ee uurka, laakiin waxay u baahan yihiin waraaq uu soo saxiixay dhakhtar oo la qoray inta ka horaysa toddobaadka 28aad ee uurka, taas oo ay ku caddahay maalinta la rajaynayo in ay hooyadu dhallidoonto.