|

Taliyaha Xaramka oo Si Geesinimo Leh u Sheegay In aan Dalka Qatar Loo Diidi Karin Gudashada Waajibaadka Xajka DAAWO

Makkaha 21. June 2017 (SDN/QJ):- Sarkaal sare oo ka tirsan ilaalada xaramka ayaa si geesinimo leh u sheegay in dalka Qatar dadkiisa aan loo diidi karin in ay Sacuudiga soo galaan iyaga oo u socda Xaramka.

Wuxuu sheegay in qofku muslimka ah ee awoodda in uu xajiyo aaney jirin qof u diidi kara in uu guto waajibaadka Alle saarey, xaramkuna uu u furan yahay dhammaan dalalka Muslimiinta oo aan loo eegi karin jinsiyad iyo middab toona, cid walbana ay ku cimreysanayso laakiin loo eegayo uun in uu maryaha cad-cad ku labisan yahay.

Comments are closed