|

Ruushka oo Bartilmaameedsanaya Diyaaradaha ay Leeyihiin Isbahaysiga uu Horkacayo Maraykanku ee Duqaymaha Ku haya Suuriya

Moscow 21. June 2017 (SDN/QJ):- Ruushka ayaa ku hanjabay in ay bartilmaameedsan doonaan diyaaradaha ay leeyihiin is-bahaysiga uu Maraykanku horkacayo ee Suuriya ka dagaalamaya, ka dib markii ay diyaaradaha Maraykanku dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidanka cirka Suuriya.

Ruushka ayaa hanjabaadan kaga jawaabaya weerarkii ay diyaaradaha Maraykanku ku soo rideen diyaaradii dagaal oo ay Suuriya lahayd.

 

Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka ayaa warbaahinta u sheegay in aan la aqbali Karin gardarada ay diyaaradaha Maraykanku ku soo dhaafeen khadadka diyaaradaha ee aan la isticmaalin, wuxuu ku eedeeyey Washington inay masuuliyada qaadi doonaan. Wasiirku wuxuu ku hanjabay in wax kasta oo duulaaya oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka iyo iyagu is-wada ay bartilmaameedsan doonaan haddii aan arrintan baadhis lagu samayn.

Wasiirka Difaaca Ruushka ayaa ka tacsiyadeeyey Suuriya wixii khasaare ka soo gaadhay diyaaradii ay soo rideen ciidanka Maraykanku ee ku dul dhacday meel u dhaw deegaanka Raqqa ay ahayd xadgudub loo geystay xeerarka caalamiga ah, war qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirku ayaa lagu sheegay in diyaarada la soo riday ka sokow aan weli la haynin meel uu jaan iyo cidhib dhigay Bayloodkii diyaarada waday, maadaama oo ay diyaaradu ku dul-dhacday deegaan ay maamulaan kooxda ISIS.

Dhinaca is-bahaysiga Maraykanku hogaaminaayo waxa ay sheegeen inay diyaarada la soo riday ay duqeyn u geystay deegaan ay maamulaan dagaalyahanada Kurdiyiinta SDF maamulaan oo koonfur kaga beegan deegaanka Raqqa, taasina ay keentay inay dhulka soo dhigaan.

Comments are closed