|

Sidee Ayey “Singapore” Uga Soo Samatobaxday Boholihii Faqriga ee Mudada Dheer Deriska la ahaa?

Singapore 21. June 2017 (SDN/QJ):- Xiligii gumeysiga,  “ Singapore” waxa ay ahayd wadan  “Maleeshiya” katirsan, laakiin madaxbanaanidii kadib, waxa ay noqotay wadan iskii u taagan; sababtuna waxa ay ahayd, markii dadka malayga oo asal ahaan dhulkaas ka soo jeeday aqoonyahankoodii ay ka biyo diideen sida xawliga ah ee ay u badanayaan dadka jayniiska ah oo iyagu markaas ahaa soo galeyti.

Siyaasiyiintii dadka malaygu waxa ay dadka jayniiska ah u arkayeen kanser ku sii fidaya dhulka malayga, sidaasi darteed, waxa ay soo jeediyeen in  “ Singapore” laga jaro dhulkii la isku odhan jiray  “Maleeshiya”; waxana talladii la wareegay xisbigii la odhan “People’s Action Party” oo shaqada bilaabay 1959-kii. Tirada dadka  “ Singapore” ku nooli markaas waxa ay ahaayeen saddex milyan. In yar oo hindi iyo malay isugu jirta maahee, aqlabiyadu waxa ay ahayd jayniis.  “ Singapore” markaas may lahayn wax khayraad ah, oo xitaa biyaha waxa looga soo tallaali jiray  “Maleeshiya”.

Waxa jirtay shaqo la’aan xadhkaha goosatay, musuq iyo maamul xumo, busaarad iyo baahi farobadan, faqri iyo saboolnimo baahsan.

Sidoo kale,  “ Singapore” waxa ay noqotay jasiirad ku dhextaalla  “Maleeshiya” iyo indooniisiya oo horumarkeeda cadaw ku ahaa. Iyada oo ay taasi jirto, hadana  “ Singapore” waa ay soo kabatay.

Waxa ay ka baxday bohoshii faqriga ee dunida saddexaad; waxana ay ku biirtay wadamada hore u maray ee dunida koowaad. 1959-kii waxa ra’iisal wasaare ku meel gaadh ah loo doortay “Lee Kuan Yew” oo ahaa wiil caqli badan, sharciyaqaan ahaa, da’diisuna ay ahayd 35-jir ah, oo ka soo qalin jabiyey jaamacada “Cambridge”, laakiin  “ Singapore” madaxbanaanideeda waxa ay qaadatay 1965-kii. Wixii madaxbanaanida ka dambeeyey, ,  “ Singapore” waxa ay ku tallaabsatay horumar aad u ballaadhan. Akhriste waxa aan kugu martiqaadayaa, shantii tiir ee horumarkaas horyaalnimadiisa udub dhexaadka u ahaa:

1: in laga guuleysto, lagana dul boodo caqbadihii koowaad ee horumarka sida shaqola’aantii, kaabayaashii, nidaamxumadii; waxana guusha lagula loolamay istiraatijiyad aad loo iftiimiyey oo aan dood aqbali karin.

2: in la helo rabitaan lagu beegsado ahdaafta waaweyn ee rajada leh iyo in maskaxda masaafad dheer laga socdo.

3: in la tixgaliyo lana xaq dhawro xurmada maamul iyo sarreynta sharciga; lana kala dambeeyo.

4: in fursadaha shaqo ee banaani ay noqdaan kuwo cid walba u furan oo aqoon lagu kala baxo.

5: si qof waliba u guuleysto, in la sameeyo waxyaabihii guusha sababi lahaa. dawladu waxa ay hirgalisay hanaan sharci oo qof kasta oo shaqeeya ku qasbaya in mushaharkiisa qayb kamida ay dawladu u kaydiso.

Comments are closed