|

Xukuumadda Somaliland Oo Difaacday Go’aanka Ay Ku Taageertay Huwanta Sucuudiga

Hargaysa 17. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa difaacday go’aankii ay ku taageertay dalalka carabta ee Sucuudigu hoggaaminayaa ay cilaaqaadkii diblomaasiyadeed ugu jareen dawladda Qatar.

Waxaanay sheegtay in tallaabada ay kula safatay huwanta Sucuudigu ay ka eegtay masaalixdeeda siyaasiga ah.

Sidaasna waxa sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) oo  ka warbixinayay booqasho gaar ah oo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ugu kicitimay dalka Imaaraadka carabta shalay. Booqashada madaxweynaha oo qaadan doonta muddo dhawr maalmood ah waxaa ku wehelinaya safarkiisan marwadda koowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Xoghayihiisa gaarka ah Cali Axmed Cali.

Booqashada madaxweynaha Somaliland, ayaa ku soo beegantay  iyadoo dhawaan Somaliland ay taageertay go’aankii Sacuudiga iyo Imaraadku xidhiidhka ugu jareen dalka Qatar.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta (shalay) safar khaas ah  ugu baxay dalka Imaaratka Carabta  oo aan ahayn safar shaqo oo uu in muddo ah ku maqnaan doono, inta uu madaxweynuhu safarkaasi ku maqan yahayna waddanka Imaaradka Carabta wixii hawla ee kala soo gudboonadana masuuliyadaha iyo xilka uu qaranka u hayo dabcan sidii uu awalba u qaban jiray ayuu u qabanaya,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu. Waxaannu intaas ku daray; “Laakiin safarkan uu madaxweynuhu  u baxay waa safar khaas ah oo isaga u gaar ah oo aan ahayn safar shaqo, Somaliland-na waa dal madax banaan inuu gaadho go’aamadooda si uu go’aamada siyaasiga una madax bannaan inuu gaadho go’aannada siyaasiga ah ee ka turjumaya maslaxadaha dhaqaale, kuwo iskaashi iyo kuwa nabadgelyo ee mandaqadan aynu ku noolahay ka jira.”

Afhayeenka madaxtooyadu wuxuu   xusay in ay xukuumaddu taageerayso meel kasta oo ay ka aragto in danteedu ku jirto; “Dhab ahaan dawladda Somaliland waxay eegeysaa danaheeda ugu mihiimsani meesha uu ku jiro macnaheeduna maaha Qatar col ayaynu la nahay Qatar  cadaawad ayaa innaga dhaxaysa wax allaale wax innaga dhaxeeyaa ma jiro, waxaana ku nool dad badan oo reer Somaliland ah waana dawlad walaalaheenna, haseahaatee markay noqoto inaad gaadho go’aan siyaasi ah kolay labada dhinac ee is haya mid uun baad raacaysaa.  Sucuudigana waxaa innaga dhaxeeya xidhiidh   soo jireenna waayo xoolaheenna ugu badani waxaa ay u dhoofaan Sucuudiga. dawlada Imaaradka Carabtuna waa dawlad xidhiidh wanaagsani innaga dhaxeeyo, xukuumadda Somaliland-na go’aamada ay gaadhaysaa waa qaar ku salaysan xidhiidhka iyo horumarka ay doonayso in ay dalkeeda ku horumariso Jamhuuriyadda Somaliland, ugana faa’iidaysato hadba isbeddelada siyaasadeed ee ka jira mandaqada waxaa xukuumada Somaliland ee  uu hoggaaminayo madaxweynaha qaranku ay go’aansatay in fikirka Sucuudiga iyo dawladda Imaaradka Carabta la taageero.”

Comments are closed