|

Maxkamadda Hargeysa oo Markii Kowaad Xukuntay Dhalinyaro Xaaraan ay Cunayeen Ramadaanta lagu soo qabtay oo Gabadhi ku Jirto DAAWO

Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa Xukunno ku ridday toddoba Dhalinyaro ah oo ay mid ka mid ahi Gabadh tahay, kuwaas oo ay Ciidammada Boolisku ku soo qabteen iyaga oo Cunto iyo Qaad ku cunaya Beer ku taalla Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, isla markaan qaarkood qirteen, kuwo kalena Markhaatiyo Maxkamadda kaga marag-fureen inay Xaaraan quudanayeen Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel oo ku dhawaaqay Xukunkaas iyo qodobbada Ciqaabta ah iyo weliba Aayadaha Qur’aanka ah ee ay Maxkamaddu u cuskatay Xukunkooda, ayaa faahfaahiyey qaabkii loo soo qabtay iyo qirashada Dhalinyaradaas.

 

Waxaa lagu xukumay min Lix Bilood oo Xadhig Xabsi ah iyo min Hal Milyan oo Ganaax lacageed ah, halka laba Nin oo laba Gaadhi oo u adeegayey Dhalinyartaas Xaaraanta cunayey, lagu xukumay inay bixiyaan min Laba Milyan oo adeegga ay ku fulinayeen Baabuurtooda ah.

Comments are closed