Safiir Baashe Cawil oo ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweynaha & Baadhitaano Hay’adaha amaanku ku wadaan Ismaacil Cumar Madar
Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Safiir Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL socdaal gaar Ku Joogo dalka Imaaradaha Carabta, qaadan doona muddo toban maalmood.
Wareysi shabakada SomalilandSpan.com wax kaga weydiisay Amb Baashe Cawil Cumar, isagoo ku sugan magaalada Dubai,sababta keentay in dalka Imaaraadka laga soo mustaafuriyo nin lagu magaacaabi Ismaaciil Cumar Madar, oo Somaliland u dhashay ayaa sheegay in ninkaasi ciidamada Amaanka Somaliland ku qabteen isagoo ka dhoofaya madaarka Cigaal una socda dalka Qatar.
Safiir Baashe Cawil oo ka jawaabayey ayaa yidhi, “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.
Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.
Mar la weydiiyey, hadii aan laga soo mustaafurin Dubai, maxaa keenay inuu sidaa warbaahinta ka sheego, ayuu ku jawaabay,
“Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.
Markaa sababta ciidamada Amaanku u qabteen maxaa loo fasiran karaa, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan.
Dhanka Kale Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Doraad dalka Imaaraadka Carabta ugu ambobaxay socdaal gaar ah oo la sheegay inuu qaadan doono maalmo kooban oo aan la cayimin.
Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshadu ku xidhiidho, waxay ku sheegtay in madaxweynaha ay wehelisay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan. Qoraalka ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay wehelinayaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee cigaal International Aiprort Hargeysa. Weftigaas oo u duulay Imaaraadka Carabta ayaa safar gaara oo maalmo ah halkaasi ku jooji doona.”
Geesta kale, socdaalkan oo ay madaxtooyadu ku sheegtay mid gaar ah ayaa noqonaya socdaalkii labaad ee gaar ah ee uu madaxweynuhu saddex bilood gudahood dalka dibadiisa ugu baxo, isagoo bishii March ka soo laabtay safar gaar ah oo uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska. Madaxtooyada ayaan marna shacabka u soo bandhigin ujeedada safaradan gaar ah ee madaxweyne Siilaanyo, waana sababta ay bulshadu su’aalo badan iskaga weydiiso.