Dawladda Somaliland iyo Khaatumo Waxay Heshiis Rasmi Ah Oo Ka Kooban Shan Qodob Ku Kala Saxeexdeen Magaalada Hargeysa
Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Shanta qodob ee ay shalay magaalada Hargeysa ku wada saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo waxa kamid ah; in la wada qorsheeyo, lagana wada shaqeeyo sidii loo wada heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan caddaalad, maamul wanaag iyo xaqdhowrista xuquuqul insaanka ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti ee ay u wada siman yihiin.