Muslimiin Ku Afuray Oo Ku Tukaday Beer Dadka Masiixiyiinta Ah Aad U Qadariyaan !
Spain 18. June 2017 (SDN/QJ):- Dawladda hoose ee magaalada Granada ee Dalkaasi Spain ayaa markii ugu horreysay Dadka Muslimiinta ah ee ku nool magaaladaasi ugu hambalyeeyay bisha barakaysan ee Ramadaan.
Dadka muslimiinta ah ee ku nool magaaladaasi ayaa waxay isugu soo baxeen Afur waddareed ay ku qabsadeen Beer aad u weyn oo ku taala goob ay dadka masiixiyiinta ahi ay aad u qadariayaan isla markaana ay ku taalo Taallo ay u sameeyeen siday Aaminsanyihiin Maryam Bintu Cimraan.Dhacdada noocan oo kale ah ayaa noqotay tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah waxaanay dadka ku nool dalkaasi arrintaa ku qaada dhigeen baraha bulshada, iyada oo Dadka kale ee aan ahayn Islaamka ay ku tilmaameen inay Dadka Muslimiinta ahi goobtaa ay aadka u qadariyaan aanay habboonayn inay ku qabsadaan afurkooda amase ay ku tukadaan, si kastaba ha ahaate madaxda Dawladda hoose ee magalaadaasi ayaa si aad u heer saraysa usoo dhaweeyay Dadka Muslimiinta ugana mahadnaqey sida wanaagsan ee ay mashaacirtooda diiniga ah u gudanayeen.