Mas’uuliyiin Sare Oo Dalka Canada Ah Oo Ka Qayb Galay Afur Waddareed Ay Samaysteen !
Ontario 18. June 2017 (SDN/QJ):- Haweenayda Madaxda ka ah Gobolka Ontario County ee Dalkaasi Canada Katherine Wayne ayaa waxay Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Gobolkaasi kala qayb gashay afur waddareed lagu qabtay Masaajidka Khadiija ee ku yaalla Magaalada Mssaga ee gobolkaasi.Afurka oo uu soo abaabulay iskuna soo duba riday Maalqabeenka Magaciisa la yidhaahdo Mohamed Al-faqiih ee asal ahaan ka soo jeeda Dalka Lubnaan ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay Wasiiro iyo madax kale oo ka mid ah madaxda gobolkaasi.
Halka ay kasoo qaybgaleen ilaa 1,000 qof oo ay ka mid yihiin siyaasiin badan oo u dhashay Dalkaasi Canada, tirada Dadka ku nool gobolkaasi ayaa la sheegay inay tahay 40% guud ahaan Dadka ku nool Dalkaasi Canada.Arrinta aadka u layaabka badan ayaa noqotay in haweenaydani madaxda ka ah gobolkaasi aanay la afurin oo kaliya, balse waxay Dadkii goobtaasi ku sugnaa soo wariyeen inay Maalintii oo dhan soomanayd oo aanay wax cunto ah cunin.
Katherine Wayne waxa kale oo ay sheegtay in sababta ku kaliftay soonka ay tahay inay dadka muslimiinta ah la dareento gaajada iyo harraadka ay dareemayaan isla markaana ay wax ka barato sida ay gaajada ugu adkaysanayaan waxanay sidoo kale sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalkeeda. Ninka magaciisa la yidhaahdo Cimran Mayn oo xubin firfircoon ka ah Xisbiga Liberal-ka ee Dalkaasi Canada ayaa cadeeyay in haweenaydan Madaxda ka ah gobolkaasi aanay sanadkan oo kaliya la soomin Dadka Muslimiinta ah, laakiinse ay tahay Sanadkii labaad ee ay sidaasi samayso.