Qaramada Midoobay oo Mar Kale Ganafka ku dhufatay Liiska Argagixisada ee Sucuudigu soo saaray
Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay ayaa waxa ay mar Kale Ganafka ku dhufatay Liiska Argagixisada ee Sucuudigu soo saaray , liiskaa oo ka koobnaa 59 magac oo shirkado iyo shaqsiyaad isugu jira, kuwaas oo badankoodu ah qaybo xidhiidh la leh Dalka qatar oo ay xitaa ku jiraan ganacsato waaweyn oo wadanka Qatar u dhashay.
Mr Steven Dugari oo ah afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo saxaafada kula hadlayey Magaalada Newyork waxa uu sheegay in liis kasta oo noocaas ah oo aanay qaramada Midoobay soo saarin loo aqoonsanayo mid aan waxba ka jirin.
Mr Steven waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay aanay marnaba iska indho tiri karin Hay’adda samafalka ee Qatar oo ka mid ah hay’adaha wadashaqaynta fiican la sameeyey Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda UNICEF, isagoo intaa ku daray in Qaramada Midoobay aanay baahi u qabin inay la xidhiidho afarta wadan ee liiskaa soo saaray.
Dhanka kale afhayeenku waxa uu caddeeyey in qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay oo keliya cunoqabataynta ay soo saaraan golaha amniga oo keliya, isla markaana aanay aqoonsanayn waxii ay dalal gaar ahi iska soo saaraan.