|

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Sharraxday Qodobbo ay ka Wadahadleen Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya DAAWO

Hargaysa 16. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka warrantay waxyaabaha ay ka wadahadleen Wakiilka Midawga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo oo kulan ay wada yeesheen Haweenaydaas oo Hargeysa Booqasho ay ku joogaan iyada iyo Xubno kale.

Kulankaasi markii uu soo dhammaaday, ayey Wasiirka Maaliyaddu la hadashay qaar ka tirsan TV-yada Somaliland ka hawlgala, waxaanay sheegtay inay Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin Lacagta uu Madaxweyne Siilaanyo hore ugu ballan-qaaday ee doorashada Madaxtooyada kaga soo hagaagtay Somaliland oo ay Wasaaraddu ku wareejisay Guddiga doorashooyinka, Ballaadhinta Biyaha Hargeysa oo Midawga Yurub Maalgelinayo, ka qayb-qaadashada Ka Soo-kabashada Abaaraha Somaliland ka dhacay iyo Mashaariic kala duwan oo ay dalka ka wadaan, sida ay Wasiirku sheegtay.

Comments are closed