|

Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka Somalia oo Maalmo Loo Qabtay In Ay Ku Diiwaan Galiyaan Hubka Ay Haystaan (Digrteeto)

Muqdisho 16. June 2017 (SDN/QJ):- Digreeto ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faray dhamaan masuuliyiinta dowlada ee ku sugan magaalada Muqdisho in mudo 14-maalin gudahood kusoo diiwaangaliyaan ilaalada iyo hubka ay magaalada ku dhax wataan.

Masuuliyiinta dowlada ayaa la faray in ay tagaan xarunta Dambi baraista CID-da halkaasna ay kasoo diiwaan galiyaan hubka iyo askarta ay wataan, waxaana kaliya loo ogol ahay masuul kasta afar qoray oo ah nuuca yar yar .

 

Digreetadan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Soomaalia ayaa lala socdsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Gudoonka labada Aqal ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed