Trump Oo Lagu Soo Oogay Dacwadii Ugu Weyneyd Abid Ee Laga Gudbiyo Madaxweyne Maraykan ah
Washington 16. June 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaano labo boqol ku dhow oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa Maxkamad geeyay dacwad ka dhan ah Madaxweyne Donald Trump.
Waxay ku eedeeynayaan inuu lacago ka helay dowlado shisheeye iyagoo u sii marinaya ganacsigiisa.
Saidoo kale waxay ku eedeeyeen madaxwayne Trump inuu ku tuntay dastuurka gaar ahaan qodobka ka mamnuucaya inuu helo hadiyad iyadoo aysan ogolaanin Aqalka Congresku.
Xildhibaanadan ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee abid dacwad ku soo ooga madaxweyne Maraykan ah.
Saraakiil ka tirsan dowlada iyo ganacsato ayaa dhankoodana ka wada kiis kan la mid ah oo ka dhan ah madaxwayne Trump.
Aqalka cad ee Maraykanka ayaa beeniyay eedeeynta loo soo jeediyay madaxweynaha, iyadoo afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Sean Spicer ayaa ku tilmaamay eedeeyntan mid siyaasadeed.