Kuuriyadda Waqooyi oo Xoriyadoodii u Soo Celisay Arday Maraykan ah oo Hore Loogu Xukumay 15 Sano oo Xadhig ah Kadib Markuu Xatooyo Ku Kacay
New York 16. June 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha arimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa sheegay in Masuuliyiinta kuuriyada woqooyi ay sii daayeen Ardey ameerikaan ah oo hore ay ugu xukuntey shan iyo toban Sanadood oo xadhig ah ka dib markii tuugnimo lagu soo eedeeyey.
Warbaahinta maraykankuna waxay sheegeen in Ardeygani uu haatan u soo ambabaxay dhinaca dalkiisa una iman doono qoyskooda oo uu ka maqnaa todoba iyo Toban(17)Bilood oo uu xidhnaa.
Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanku waxa kale oo uu sheegey in dalkiisu uu dedaal ugu jiro sidii ay Kuuriyada woqooyi u soo deyn lahayd Saddex qof oo kale oo maraykana oo ay xidheen.
Saxaafadda Maraykankuna waxay sheegtey in Ardeygan la sii daayey uu xaalad miyir doorsoon ah ku jirey muddo sanad ku siman ka dib markii uu xabsiga gudihiisa ugu xanuunsaday sidii wax sunoobay oo kale hse ahatee arintaa masuuliyiinta maraykanku may sheegin inay jirto iyo in kale.