|

‘’Waddamadan Khaliijka ee Xukuumadu u Kala Hiilisay Mid Dalkeena Aqoonsani Kuma Jiro’’ Siyaasi Cabdi Haybe

Hargaysa 15. June 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay mawifkay Xukuumaddu iska taagtay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka soo cusboonatay Khaliijka ee keentay inay Sucuudiga, Masar, Baxrayn iyo Imaraadku ay xidhiidhka u jaraan Dawladda Qatar, waxaanu sheegay inay Xukuumadda Somaliland ku deg degtay inay u kala hiiliso, oo  ay xulafada Sucuudiga ay taageerto.

Cabdi Haybe Maxamed oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay inay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Saylac la xidho, waxaanu sheegay inay Xildhibaanadu xasaanad leeyihiin, oo bilaa sabab lagu xidhi karin, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay arinta Khaliijka “Nimankaas Khaliijka ee is eryanaya maxaa inaga galay, ee aynu uga kula hiilinaynaa, maxa faduushaas ina galinaya aynu midna u raacaynaa, midna aynu uga soo horjeedsanaynaa, wax alaale iyo wax faa’iido ah oo inoogu jirtaa ma jirto, ma nihin dal la aqoonsan yahay, inaynu faduushaa galno ilama aha, saxna ilama aha, ee colaaduun baynu korodhsanay, Khaliijkan Xukuumaddu u kala hiilinayso, mid dawladnimadeena aqoonsani kuma jiro, ee Nimankan lacagta la lagdamaya, waaba khalad in iyagoo aan qirsanayn madax-banaanideena iyo dawladnimadeena inaynu kala taageerno, waxaabana maqlaynayna in xittaa dadka reer Qatar loo diiday xajka  ilaa Xaramkii ILLAAHAY ee muslimiinta dhexda u ahaa ayaa dadka loo diidayaa, Khaliijka is eryaynaya inaynu dhex ka ahaano waxay ku dhaanto ma jirto, ee Xukuumaddu wey ku deg degtay inay kala taageerto, markii hore ee ay dhexda ka noqotay wey ku hagaagsanayd, ee markii dambe waxa go’aankeeda bedelay, ee ay dhinaca u noqotay garan mayno”.

 

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Saylac ee la xidhay ayaa yidhi “Xukuumaddu sharci daro ayey ku xidhaysa Xildhibaanada, waana khalad in la iska xidho Xildhibaanad xasaanad leh oo Umaddu dooratay, dad la soo doortay oo deegaan ah, in sabab la’aan loo xidho waa khalad weyn, taanu wadno haddii aad diido waanu ku xidhaynaa miyaa, waxaana xaqiiqo ah in Xildhibaan Gole Deegaan oo la soo doortay, in codkiisa iyo fikirkiisa lagu xidhaa waa sharci daro ee Xukumaddu ha joojiso cabudhinta ay wado”.

Comments are closed