‘’Hadii berri ka maalin Sucuudigu Ina Odhanayo Baasaaboorka Somalia Uun Baa Xajka Iyo Cimrada Lagu Tagi Karaa Imaaradkuna Taagnaanayaan baasaboorka Somalia haa ka Somaliland Maya” Cali Guray
Hargaysa 15. June 2017 (SDN/QJ):-Mujaahid cali guray ayaa si cilmiyaysan oo aanay ku jirin siyaasadi uga hadlay sida ay soomaaliland xidhiidhka u tidhi waan u jarnay dawladda la isu raacay ee qadar, in kastoo mujaahidku sharaxay danaha reer soomaaliland ku qabaan sucuudiga iyo imaaradka haddana waxaa uu is barbar dhig ku sameeyay danaha ay sacuudiga iyo imaaraadku ka leeyihiin soomaaliland maadaama oo soomaaliland godob siyaasadeed ka gashay dawladda dalka qadar.
Geesta kale mujaahid cali guray ayaa ka hadlay sida madaxda soomaaliland ay colaad ugu soo hooyaan shacabka reer soomaaliland oo aan waxba kala socon dalkooda iyo ciddii markaa hogaanka u haysa waxaana uu yidhi cali guray’’
‘’Xukuumadda Somaliland siday u fahamtay fariintan? Xukuumaddu hadday ka midho-dhalin kariwaydo go’aanka ay ku taageertay dawladaha cilaaqaadka u gooyay Qatar qoodheed iyo xeradeedba ha jabto maxay inoo tahay. Hadii loo gacan haadiyay ma waxay doonaysaa in lagu qasbo ictiraafka?
Go’aanka ay qaadatay waa hubaal inu waddo u furi karo Ictiraafka Somaliland hadii ay garato kuna dhiirato inay garteeda akhrisan karto. Hadii berri ka maalin Sucuudigu ina odhanayo baasaaboorka Somalia uun baa xajka iyo cimrada lagu tagi karaa Imaaradkuna taagnaanayaan baasaboorka Somalia haa ka Somaliland maya bal maxaa maydhi doona madaxda Somaliland maxayse shacbiga Somaliland ku qancin doonaan. Mashariic baa la inoo samaynayaa wadadii baanu soo dhamaynay iyo wax ciil kaa dilo uun saw maaha’’