|

Trump oo Mar kale ku Guul-darraystay meel-marinta Go’aanka Dadka Lix Dal oo Muslimiin ah kaga Mamnuucay Maraykanka

Washington 15. June 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Madaxweyne Donald Trump, ayaa mar kale ku guul-darreysatay dedaallo ay ku dooneysay xayiraad ay kusoo rogto Muwaaddiniinta lix Dal oo Muslimiin ah inay galaan waddanka Mareykanka muddo sagaashan cisho ah oo hore Maxkamadaha waddankaasi uga diideen Madaxweyne Trump oo markii uu xilka la wareegay bishii 1-aad ee sannadkan-ba soo saaray go’aankaas.

Maxkamad Racfaan oo ku taal gobolka San Francisco ee dalka Mareykanka ayaa ayidday go’aan ay maxkamad horay u gaartay oo ahaa inaan wax xayiraad ah aan la saarin muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah, balse maxkamadu waxaa kale oo ay sheegtay in dowlada Mareykanka loo ogolaaday inay dib u eegis ku sameyso hanaanka turxaan bixinta ee dadka soo galaya Mareykanka.

 

Waxaa lagu wadaa in kiiskani uu ku dambeyn doono maxkamadda sare ee dalka Mareykanka. Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions, ayaa sheegay in uunu taageersanayn go’aanka Maxkamadda, waxaanu yidhi; “Weerarradii dhawaan ka dhacay dalka Maraykankana ay xaqiijinayaan in halistu ay tahay mid degdeg ah oo dhab ah.”

 

Madaxweyne Trump ayaa 6 Maarso soo saaray amar Madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen inay soo galaan Mareykanka. Arrintaasi ayaa dalka Mareykanka ka dhalisay dibadbaxyo lagu diidanyahay go’aanka Madaxweyne Trump.

Comments are closed